|
Baydhabo, (insidesomalia.org)- Xillibaano ka tirsan xubnaga Baarlamaanka Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta baaq nabadeed waxaa ay u jeediyeen Beelihii dhawaan ku dagaalamay deegaano hoosyimaada Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Mudanayaashaan baaq nabadeedka maanta u jeediyay Beelaha dagaalamaya ayaa waxa ay ka soo kala jeedaan Gobolaha Bay, Bakoo iyo Gedo.
Xillibaan Maxamed Xuseen Isxaaq Afaraale oo isagu ka mid ah Xubnaha baaqa nabadeenta ujeediyay beelahaasi ayaa waxa uu sheegay in ay ka xunyihiin dagaaladii maalihii aynu soo dhaafnay ka dhacay deegaano hoos yimaada Degmada Luuq, kuwaasi oo dhashay qasaaro baahsan.
Xillibaanadan baaqajeediyey ayaa wax laga xumaado ku tllmaamay in waqtigan xiisado colaadeed ay ka soo cusboonadaan Gobolada Bay, Bakool iyo Gedo.
Xillibaan Ismaaciil Axmed Nuur ayaa sheegay in wax yaabaha colaada dhalisay ay tahay Maamul la`aanta ka jirta Degmada Luuq ee Gobolka Gedo,waxayna wax kamajiraan ku tilmaameen Xillibaanadu M aamulkii dhawaan Degmada Luuq loo sameeyay.
Dhammaan Xubnaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaana kuwa ka soo jeeda Goboladaasi ayaa labadii beel ee dhawaan ku dagaalantay deegaano ku dhow dhow Degmada Luuq waxa ka codsadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u joojiyaan colaadaha wadahadalna ay ku dhameeyaan khilaafkooda.
Hadalkaani ayaa waxa ay jeediyeen Xillbaanada xilli maanta shir jaraa`id ay ku qabteen Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo.
Sikastaba ha`ahaatee, hadalka Mudanayaasha waxa uu ku soo beegmayaa xilli dagaaladii ka dhacay Degmada Luuq deegaanada ku dhow dhow ay dhaliyeen barakac xoogan iyo khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaarey Dadkii Xoolo Dhaqatada ahaa ee deganaa halka uu dagaalka kadhacay.
|